Naadiga Ardayda Soomaaliyeed Ee Masar

Naadiga Ardayda Soomaaliyeed Ee Masar Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Naadiga Ardayda Soomaaliyeed Ee Masar, Community Organization, 18 عبد الشافي محمد, Nasr City.

Bogga rasmiga ah ee Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar, Madal mideysa ardayda Soomaaliyeed, laguna baahiyo wararka, fursadaha, adeegyada iyo dhammaan arrimaha khuseeya ardayda Soomaaliyeed ee Masar.

📢 Wargelin Muhiim ah oo ku Socota Dhammaan Ardayda Soomaaliyeed ee Masar.Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar.
19/07/2026

📢 Wargelin Muhiim ah oo ku Socota Dhammaan Ardayda Soomaaliyeed ee Masar.

Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar.

Munaasabadda Daahfurka ciyaadada Care Plus ClinicsMunaasabad Kooban oo ka dhacday xarunta Cusub ee Care plus clinics oo ...
19/07/2026

Munaasabadda Daahfurka ciyaadada Care Plus Clinics

Munaasabad Kooban oo ka dhacday xarunta Cusub ee Care plus clinics oo ah Ciyaado ( multiclics) gaar ahaan Qeybta hooyada iyo dhalaanka ( Obstetrics and Gynecology) oo ay hirgeliyeen Dhaqaatiir Soomaaliyeed oo ku takhasustay Obstetrics and Gynecology ayaa laga Daahfuray Nasr city ee Magaalada Qaahira ee Dalka Masar. Goobtan oo ay si wadajir ah u hergeliyeen dhaqaatiirta kala ah Dr Abdiqani Mohamed Hassan iyo Dr Najmo Abdullahi Farah kuwaa oo ku takhasusay Cudurada haweenka iyo dhalaanka.

Waxaa ugu horeyn Goobta ka hadlay Dr Abdiqani Mohamed Hassan ahna Maamulka Goobta ayaa faahfaahiyay ujeedada loo Furay isagoo dulistaagay dhowr Qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen in ay Hooyada iyo dhalaanka ka maarmi doonaan baahida turjumaadda luqadda carabiga oo ay Ciyaadadan kaga bogan doonaan luqadeena Soomaaliga iyo sidoo kale in ay jiheyn doonaan bukaanada u baahan la talinta iyo hagidda Caafimaad.

Waxaa sidoo kale Goobta hadal kooban ka jeediyay Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar Dr Mohamed Abukar Mohamud isagoo bogaadin iyo Hambalyo la wadaagay dhaqaatiirta furtay ciyaadadii ugu horeysay oo ay Soomaali leedahay sidoo kale isagoo u mahadceliyay Mushrifka Guud ee Care plus clinics prof Dr Alaa Hassan consultant of Obstetrics and Gynecology oo ah dhaqtarkii waxbaray kalana shaqeeyay in ay furtaan xaruntan.

Ugu Dambeyn waxaa Alle uga baryeynaa in uu ka yeelo Goob barakowda anfacdana Bulshadeena Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan Masar.

Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar

18/07/2026
15/07/2026

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashada Maamulka Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar wuxuu soo saaray go'aannada iyo jadwalka rasmiga ah ee la xiriira isdiiwaangelinta musharraxiinta iyo qabsoomidda doorashada maamulka Naadiga.

Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar ayaa kulan muhiim ah oo dhinaca muuqaalka (Video Conference) ah la yeeshay Ururka ...
11/07/2026

Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar ayaa kulan muhiim ah oo dhinaca muuqaalka (Video Conference) ah la yeeshay Ururka Dhalinyarada HIMILO (Soomaaliya), iyadoo kulankaasi oo gogolxaar u noqon doona wadashaqeyn mustaqbalka dhow dhexmarta labada dhinac.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa awoodda dhalinyarada Soomaaliyeed, kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada, loo ballaarin lahaa isdhaafsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada, loona abuuri lahaa fursado lagu kobcinayo hoggaaminta, hal-abuurka iyo horumarinta bulshada.

Sidoo kale, labada dhinac waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay dejinta qorshayaal wadajir ah oo lagu hirgelinayo barnaamijyo wax ku ool ah, kuwaas oo u adeegaya danaha dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka.

Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar wuxuu sii wadi doonaa xoojinta iskaashiga iyo dhisidda xiriirro miro-dhal ah oo uu la yeesho ururrada dhalinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado aqoonta, hoggaaminta, hal-abuurka iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Iskaashigu waa furaha horumarka.
midnimaduna waa saldhigga guusha.

Naadiga Ardayda Soomaaliyeed Ee Masar

06/07/2026

Bandhigga baalfurka dhiganaha Buunigii Diblomaasiyadda ee laga qoray Danjire Cabdullaahi Xasan Sharmaarke Maxamuud, uuna qoray Safiir-ku-xigeenka JFS ee dalka Tanzania, Dr. Cabdifataax Axmed Nuur Ashkir.

Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar

Maamulka Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar oo agaasimay bandhigga baalfurka dhiganaha Buunigii Diblomaasiyadda ee la...
05/07/2026

Maamulka Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar oo agaasimay bandhigga baalfurka dhiganaha Buunigii Diblomaasiyadda ee laga qoray Danjire Cabdullaahi Xasan Sharmaarke Maxamuud, uuna qoray Safiir-ku-xigeenka JFS ee dalka Tanzania, Dr. Cabdifataax Axmed Nuur Ashkir.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeyb galay marti ay ugu horreeyaan Safiirka Safaaradda JFS ee Masar, Mudane Dr. Cali Cabdi Awaare, Safiirka Safaaradda Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Danjire Axmed Cali Barre, diblomaasiyiin ka tirsan Jaamacadda Carabta, la-taliyeyaal, aqoonyahanno iyo labeenta reer Qaahira.

Ugu horreyn, waxaa kalmad soo dhoweyn ah madasha ka jeediyay Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar, Dr. Maxamed Abukar Maxamuud, oo soo dhoweynta kadib xusay doorkii Danjire Cabdullaahi Xasan Sharmaarke Maxamuud ee garab-istaaggiisii joogtada ahaa ee ardayda Soomaaliyeed ee wax ka baraneysay dalka Masar. Isagoo xusay inuu sabab u noqday, burburkii dalka kadib, in ardaydu helaan deeqo waxbarasho oo ay ka helaan dalka Masar, sidoo kalena habeen iyo maalin uu heegan ugu jiray haqabtirka baahiyaha ardayda iyo jaalliyadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu xusay in Danjire Cabdullaahi Xasan Sharmaarke Maxamuud uu soo noqday Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar sannadihii 1960-meeyadii.

Intaas ka dib, waxaa isaguna goobta ka hadlay Dr. Cabdifataax Axmed Nuur Ashkir, oo faallo kooban ka bixiyay sababihii ku dhiirrigeliyay qorista buugga iyo sidii wacyiga bulshada Soomaaliyeed kor loogu qaadi lahaa, looguna bari lahaa taariikhdooda iyo halgankoodii.
Madasha oo ay buux dhaafiyeen aqoonyahanno, ayaa buugga iyo taariikhda Danjire Cabdullaahi Xasan Sharmaarke Maxamuud si qoto dheer uga faallooday Dr. Cabdicasiis Calas Cartan, isagoo dul istaagay sooyaalkiisii waxbarasho, qiyamkiisii wanaagsanaa, dulqaadkiisii, u khidmeyntiisii qaranka, garab-istaaggiisii dadka jilicsan ee kaalmada u baahnaa, deeqsinimadiisii iyo dhammaan sifooyinkii wanaagsanaa ee uu ku suntanaa halyeyga Danjire Cabdullaahi Xasan.

Gunaanadkii, waxaa madasha kalmad ka jeediyay Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti u fadhiya dalka Masar, Danjire Axmed Cali Barre, oo qiray qofnimadii iyo doorkii Danjire Cabdullaahi Xasan, isagoo sheegay inuu mudan yahay in mar walba loo duceeyo, isla markaana uu yahay halyey lagu daydo, ayna habboon tahay in goob loogu magac-daro si magaciisu u waaro.

Ugu dambeyntii, waxaa madasha soo xiray Safiirka Safaaradda JFS ee Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Cali Cabdi Awaare, oo xusay in Danjire Cabdullaahi Xasan Sharmaarke Maxamuud uu ahaa caalim diineed, diblomaasi iyo halyey ummaddiisa u soo adeegay xilliyo adag, mudanna in mar walba loo duceeyo lana xusuusto.

INaadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar

🎓✨  Hambalyo  iyo Bogaadin! 🌹🎉Maamulka Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mud...
01/07/2026

🎓✨ Hambalyo iyo Bogaadin! 🌹🎉

Maamulka Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudane Ayaanle Abdullahi mohamud, Madaxa Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta Naadiga, munaasabadda qalin-jabintiisa ee Faculty of Commerce, Class of 2026, Ain Shams University – Cairo, Egypt.

Maamulka Naadigu waxa uu kuu rajaynayaa guulo iyo horumar joogto ah, isaga oo kuu rajeeynaya inaad sii waddo raadinta cilmiga iyo adeegga danta guud ee lagugu yaqaan.

Mabruuk! Mabruuk! Mabruuk!

Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar

Munaasabadda Xuska Isbuuca XorriyaddaWaxaa magaalada Cairo ku qabsoomay xuska 1-da Luulyo, oo ah maalin ku asteysan xorr...
01/07/2026

Munaasabadda Xuska Isbuuca Xorriyadda

Waxaa magaalada Cairo ku qabsoomay
xuska 1-da Luulyo, oo ah maalin ku asteysan xorriyaddii gobollada Koonfureed iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo si heer Sara ah usoo qaban-qaabiyeen Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar ayaa waxaa ka soo qaybgalay ardayda, jaalliyadda, diblomaasiyiin, xildhibaano iyo senatorro.

Xuduurkii qiimaha badnayd ayaa waxaa ugu horreeyay Safiirka Safaaradda JFS ee Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ali Abdi Aware; Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Danjire Ahmed Ali Barre; Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale; Senator Samsam Daahir Maxamuud; Safiir Ku-xigeenka Safaaradda JFS ee Tanzania, Danjire Abdifatah Nur Ahmed Ashkir; diblomaasiyiinta JFS ku metela Jaamacadda Carabta, iyo marti sharaf kale oo qiimo badan.

Waxaa kulanka khudbad ku saabsan halgankii dhallinyaradii gobannimo-doonka ahaa ka jeediyay Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar, Dr. Mohamed Abukar Mohamud, oo ka hadlay doorkii culimada iyo dhallinyarada, isaga oo si gaar ah u xusay mabaadi'dii SYL, oo maanta kaliya laga hayo gobannimada dalkeenna. Sidoo kale, wuxuu ka hadlay doorkii Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar ku lahaa halgankii gobannimo-doonka 5-ta Soomaaliyeed (Soomaali Weyn), iyo in Naadigu laf-dhabar u ahaa dhallinyaradii Soomaaliyeed ee aqoonta u imaanaysay dalka Masar.

Ugu dambayn, wuxuu jamhuurkii madasha joogay kula dardaarmay in qof kasta ay masuuliyad ka saaran tahay inuu wax ku biiriyo ka dhabeynta mabaadi'dii gobannimo-doonka ee weli harsan, si jiilka mustaqbalka looga tago dhaxal ay ku naaloodaan.

Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Masar.

Address

18 عبد الشافي محمد
Nasr City

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naadiga Ardayda Soomaaliyeed Ee Masar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share