Somalische Gemeinde Stadt und Landkreis Schweinfurt e.V.

Somalische Gemeinde Stadt und Landkreis Schweinfurt e.V. Kontaktinformationen, Karte und Wegbeschreibungen, Kontaktformulare, Öffnungszeiten, Dienstleistungen, Bewertungen, Fotos, Videos und Ankündigungen von Somalische Gemeinde Stadt und Landkreis Schweinfurt e.V., Schweinfurt.

07/06/2026

Koob aad u qiimo badan ayay dhalinyardeenu ku baratameen waxayna muujiyeed dedaal aan lasoo koobi karin

Summer Cup 2026

Shalay oo Taarikhdu ku beegnayd waxa ay Jaaliyaddu soo gebo-gebeeysay koobkii ay qabatay ee Summer Cup 2026 oo kasoo qay...
07/06/2026

Shalay oo Taarikhdu ku beegnayd waxa ay Jaaliyaddu soo gebo-gebeeysay koobkii ay qabatay ee Summer Cup 2026 oo kasoo qayb-galeen 8-deed Kooxood kuwaas oo kala ahaa:

Som-Köln
Som-Nürnberg
Som-Miltenberg
Som-Darmstadt
Som-Aschaffenburg
Som-Halle
Som-Schweinfurt
Som-Bayreuth

Ciyaaro aad u quruxbadan oo ay soo bandhigeen dhamman kooxihii ka qayb galay, dedaal iyo dhabar adaygii ay la yimaadeen Macalimiinta, Kabtanada iyo Ciyaartoyduba waxa ay xaqiijiyeen hadafkii iyo ujeedkii loo qabtay koobka, taas oo ahayd is dhexgalka dhalinyarada, isbarashada, midnimada iyo baratanka dhalinyarada, si akhlaaq iyo Xaddariyad ah ayay kuwada ciyaareen, waxa aanay mujiyeen in dhalinyaradu yihiin kuwa laf-dhabar ah meel weliba oo lajoogo.

Baratankaa kadib waxa ay guushii iyo koobkiiba raaceen Kooxda Kubadda Cagta ee Som-Halle
Hambalyo ayaan idin leenahay.

Ugu danbayn Jaaliyaddu waxa ay ku dedaali doontaa in Koobkan hormarin balaaran lagu sameeyo Insha’allah

24/05/2026

Ogaysiis Muhiim ah!!

Waxaa la ogaysiinayaa Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Schweinfurt iyo Nawaaxigeeda in sidii Caadada inoo ahayd waxaan si wadajir ah ugu wada tukan doonaa Masaajid-ka Fatih.

Sidoo kale Xafladda Ciiddan waxaan ugu talo gallay in Faamiliyada iyo Caruurtoodu ay si wadajir maalinkaa waqti ugu wada qaataan meeshaa.

Goobta iyo Goorta hoos ka eega!

Kooxda Som-Bayreuth ayaa Final-ka shalay tagtay, kadib markii ay guul kasoo hooyeen labo kulan oo ay la cayaareen Som-Nü...
24/05/2026

Kooxda Som-Bayreuth ayaa Final-ka shalay tagtay, kadib markii ay guul kasoo hooyeen labo kulan oo ay la cayaareen Som-Nürnberg iyo Som-Aschaffenburg Stars.

Kulamadii Ciyaaraha ee Shlay qabsoomay 23.05.2026
24/05/2026

Kulamadii Ciyaaraha ee Shlay qabsoomay
23.05.2026

24/05/2026

Shalay oo ay Taariikhdu ku beegnayd 23.05.2026 waxaa furmay koobkii ay Qabatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Schweinfurt iyo Nawaaxigeeda, kaas oo ay ku baratamayeen sideed (8) kooxood oo nasiib u yeeshay in ay koobka kasoo qayb galaan.

Ciyaarihii shalay dhacay waxa ay ku bilowdeen, kuna dhamaadeen si aad u u heersaraysa dhalinyarduna waxa ay soo bandhigeen ciyaaro qurux badan oo ay Xaddaariyadi kujirto, si Bad qab ahna way kuwada ciyaareen, Qorshuhu waxa uu ahaa 4 Koox in ay wada ciyaaraan, balse koox kamid ah ayaa arimo farsamo uga soo qayb geli waysay, sidaa darteed 3-dexda kale ayaa wada cayaaray kulan ciyaareed is wada arag ah, waxaana soo baxday kooxdii kasocotay Magalada Bayreuth ee Gobolka Bayern

17/05/2026

Ka Jaaliyad ahaan waxaa soo qaban-qaabinay Koob quruxbadan, si wacan loo soo aggaasimay oo aan ugu talo galnay Wacyi-gelinta dhalinyarada, sare u qaadidda isdhexgalka, isfahamka dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku kala nool Qaybo kamid ah Gobolada kala duwan ee Dalkan Jarmalka.

Koobkanina maaha kii ugu horreyay ee Jaaliyaddu qabato, kii ka horreyay waxaa ku guulasytay Kooxda ka dhisan magaalada Aschaffenburg ee iska Gobolkan Bavaria, sanadkaana Tartanka ayay qayb katahay, waxa ayna diyaar utahay in ay difaacato.

Koobkaan waxaa ku baratamaya 8 Kooxood, kuwaasi oo nasiib u yeeshay in ay kasoo qayb galaan, kuna tartamaan si hufan, Akhlaaq iyo Walaalinimo ku dheehantahay.

Dhammaantood waxaan u rajaynaaa guul, si gaar ah Kooxda Gurigeeda lagu ciyaarayo isla markaana ah marti galiyaasha waxaan u rajaynaynaa door muuqda i.n.

Sabtidii waxay Ciyaar dhexmartay Labada kooxood Ee Som-Schweinfurt (casaanka) iyo Som-Nürnberg(huruuda)waxayna Ciyaareen...
27/04/2026

Sabtidii waxay Ciyaar dhexmartay Labada kooxood Ee Som-Schweinfurt (casaanka) iyo Som-Nürnberg(huruuda)waxayna Ciyaareen ciyaar Saaxiibtimo Oo Qurux Badan.
Kooxdeena Som-Schweinfurt Ayaa 5 iyo 3 ku bedisay waana u Hanbalyeynaa Labada Kooxoodba si gooni ahna Kooxdeena Sport-ga Ee Qiimaha Badan.

*Hanbalyo* Som-Schweinfurt
Magaca Magaalada Nooleeya✌🏼

07/04/2026

Barakooba Oo Bata.
Dhaqma Oo dhisma.

Adresse

Schweinfurt

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Somalische Gemeinde Stadt und Landkreis Schweinfurt e.V. erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Teilen